saamile Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. ld sahmile.
saamiley Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
saamisuge 1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.
saamixid eeg saamax².
saamiyid eeg saami². ld saanyid.
saan 1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
saanac Qof farsamo yaqaan ah.
saanad Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; ra-saas.
saanahasho eeg saanaho.
saanaho 1. Qof balaayo dhaxalsiin. 2. Qof uurka cadaawad ugu hayn.
saancad ld saancaddaale; saancaddo.
saancaddaale Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. ld saancad (1).
saancadde 1. Qof cago cad. 2. Qumay.
saancaddo Tagxumo; nasiibdarro. ld saancad (2).
saandambayn eeg saandambee.
saandambee 1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.
saandambeedi Dib u harid.
saandambeedin eeg saandambeedi.
saangaman ld saangan¹.
saangamid eeg saangan¹.
saangamnaan ld saangannaan.
saangamnaansho ld saangamnaan.
saangan1 Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn. saangan2 Wax sixir ka dheereeya meeshii uu joogay lagu sameeyey ahaansho. saangannaan eeg saangan². ld saan-gamnaan, saangaamnaansho, saangan-naansho.
saangannaansho ld saangannaan.
saangur ld soongur.
saani Macsilow.
saanifad ld saniifad.
saanqaad1 1. S. ah: ilmo socod-barad ah. 2. Habka qofku u tallaabsado. 3. ld saaqaadid.
page : 5 of 118
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>