Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gedmo
caratir (2) Cid caro ka bi'in.
caratirid eeg caratir².
caraw Midab cawl ah.
carayn eeg caree.
caraysan U c.: wax caro haysa ahaansho.
caraysii 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
caraysiin eeg caraysii.
caraysnaan eeg caraysan. ld caraysnaansho.
caraysnaansho ld caraysnaan.
carbar (1) Xaaladda neef baahan oo cabbay biyo aad u dhanaan oo maqaarkiisa iyo hilibkiisa biyo kala dhex gelaan.
carbar (2) Neef baahan oo biyo cabbay xalxalid.
carbarid eeg carbar².
carbash Cayaar turub (firo) haad la dalbaday qofka firaynayaa firada labaad ku helid.
carbi Nafley tababbar gaar ah siin.
carbin eeg carbi. ld carbis (2).
carbis 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. ld carbin.
carbisan Wax caro haysa ahaansho.
carbisnaan eeg carbisan. ld carbisnaansho.
carbisnaansho ld carbisnaan.
carbiye Qof wax carbiya.
carbuun (1) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun (2) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin.
carbuunad ld carbuunasho.
carbuunan Wax carbuun laga bixiyey ahaansho (badeeco).
carbuunasho eeg carbuuno. ld carbuunad.
carbuunid eeg carbuun².
carbuunnaan eeg carbuunan. ld carbuunnaansho.
carbuunnaansho ld carbuunnaan.
carbuuno Badeeco carbuun ka bixin.
carcar (1) 1. Cudur finan leh oo naasaha geela ku dhaca. 2. Midab baraashirix ah oo ay riyuhu ku yeeshaan qoorta.
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>

 

Exit mobile version