xiisid eeg xiis².
xiiso Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
xiiso elektaroon (fiis.) Summadda A ayaa lagu asteeyaa. Tamarta baxda marka atam, molikuyuul ama koox ku sugan weji neefeed ay hesho elektaroon si ay u noqoto ayoon taban. Waxa markaas ay noqonaysaa tamarta: A+ e--> A- . Qiimaha togan ee A (halbeeggeedu waa elektaroon-foolt) wuxuu tilmaan u yahay in kul la bi-xiyey.
xiisoo U x.: xiiso dareemid.
xiisood eeg xiisoo.
xiito ld xidinxiito.
xiitoole Nooc caws oo qodaxa leh.
xijaab1 1. Wax wax celiya ama isku gudba ama qariya; daah; ilixir. 2. Qardhaas; xirsi; makaraan. xijaab2 1. Wax qarin. 2. Wax dhibaato ka celin. xijaaban Wax la xijaabay ahaansho.
xijaabasho eeg xijaabo.
xijaabid eeg xiijaab².
xijaabnaan eeg xijaaban. ld xijaabnaan-sho.
xijaabnaansho ld xijaabnaan.
xijaabo 1. Wax xijaab ka dhigasho. 2. Qof muslim ah dhimasho.
xiji1 Dhirta xabagta udgoon dhasha oo moxorka iyo yagcartu ka mid yihiin. xiji2 Ku x.: wax, wax kale u dhoweyn ama raacin. xijin eeg xiji².
xikaayayn eeg xikaayee.
xikaayee Cid xikaayo u jeedin.
xikaayo Halxiraale gaar ah oo dhallin-yarada ragga iyo dumarku isu jeedin jireen waayadii hore marka ay haasaawayaan.
xikaayoo Xikaayo sheegid.
xikaayood eeg xikaayoo.
xil1 1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo. xil2 1. Cid mas'uul saarid. 2. Cid ceebayn. xila-irmaanis ld xila-irmaaniye.
xila-irmaaniye 1. Wiil gaaray da'dii qaangaarnimada. 2. Nin waxtar aan lahayn oo nacas ah. ld xila-irmaanis.
xilafur1 1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq. 2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo. xilafur2 Xilo ku dhaarasho. xilafurid eeg xilafur².
page : 41 of 60
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>