Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
dambasqaad  Weel yar, dhalo, macdan, qori iwm ka samayn oo sigaarka lagu demiyo.
dambasyaal  1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo.
dambaxir1  Xarig gaaban oo sac la lisayo sibraha looga xiro. dambaxir2  Sac la maalayo sibraxirid. dambaxiran  Wax dambaxir lagu sameeyey ahaansho (sac la lisayo).
dambaxirid  eeg dambaxir².
dambaxirnaan  eeg dambaxiran. ld dambaxirnaansho.
dambaxirnaansho  ld dambaxirnaan.
dambayn  eeg dambee.
dambaysii  Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
dambaysiin  eeg dambaysii. dambe s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. ld damme.
dambee  1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn.
dambeed  (xis.)Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf.
dambeeto  Dabadeed, kaddib.
dambi  ld dembi.
dambidhaaf1  ld dembidhaafid. dambidhaaf2  ld dembi- dhaaf². dambidhaafid  ld dembidhaafid.
dambiil  Qalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil.
dambiilannimo  ld dembilennimo.
dambiile  ld dembiile.
dambitir1  ld dembitirid. dambitir2  ld dembitir². dambitirid  ld dembitirid.
dambow  Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Toban casho ka dambow buu iska tegey”.
damci  Damac gelin.
damcid  eeg damac². ld damac¹ (3).
damcin  eeg damci. ld damcis.
damcis  ld damcin.
damdaguugan  D. ah: mugdi aan waxba loo jeedin.
page : 42 of 218
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>

 

Exit mobile version