Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sargoosasho
dhidban Wax si aad ah dhulka loogu adkeeyey ahaansho.
dhidbanaan eeg dhidban. ld dhidbanaansho.
dhidbanaansho ld dhidbanaan.
dhidbid eeg dhidib³. ld dhidib¹ (3).
dhiddig ld dheddig.
dhiddigee ld dheddigee.
dhiddigeyn ld dheddigeyn.
dhiddignimo ld dheddignimo.
dhiddigood ld dheddigood.
dhiddin ld dheddin.
dhiddo Caanaqub; kashiito.
dhider ld dhidar.
dhidhiin Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
dhidhin Buur bacaad ah.
dhidib (1) 1. Qori dheer, xooggan, af fiiqan leh oo godadka aqal soomaaliga lagu qodo. 2. Qori yar oo godka dabinka gees laga geliyo oo lagu celiyo fitiligta. 3. ld dhidbid.
dhidib (2) 1. (xis.) Xarriiqda uu shaxan ku wanqaaranyahay. 2. (xis.) Mid ka mid ah xarriiqyada tixraac ee maguuraanka ah ee lagu isticmaalo garaaf ama habdhis kulan. 3. (xis.) Xarriiqda uu xood ama walaxi ku dul waniino.
dhidib (3) Wax si adag dhulka ugu aasid.
dhidib-dhuleed (c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh.dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
dhidib-wareeg (c.fal.) Xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
dhidid (1) 1. Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato. 2. ld dhididid.
dhidid (2) (c.nafl.) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.
dhidid (3) Nafley qorrax ama xanuun la kululaatay qoyaan dufan leh oogadeeda ka soo yaacid.
dhididdhawr Wax dhididka celintiisa loo qaato sida funaanadda, jaanta kore ee kabaha iwm.
dhididi Nafley jirkeeda dhidid ka keenid. ld dhididsii.
dhididid eeg dhidid³. ld dhidid¹ (2).
dhididin eeg dhididi. ld dhididsiin.
dhididsan Wax dhididay ahaansho.
dhididsanaan eeg dhididsan. ld dhididsanaansho.
dhididsanaansho ld dhididsanaan.
dhididsii ld dhididi.
<< < 407 408 409 410 411 412 413 414 415 416 417 > >>

 

Exit mobile version