maqaddin Madax; hoggaamiye.
maqal (1) 1. Awood dheguhu wax ku dareemaan. 2. ld maaqal (1) Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 3. Dixiri yaryar oo digada xoolaha ka dhasha; maqli.
maqal (2) Ubadka ariga.
maqal (3) Shanqar iwm dhegaha ku dareemid.
maqalsii ld maqashii.
maqalsiin ld maqashiin.
maqan 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.
maqanajooge Qof maahsan.
maqaraaruf (1) ld maqaraarufid.
maqaraaruf (2) Cunto yar dhulka ka urursasho.
maqaraarufid eeg maqaraaruf². ld maqaraaruf¹.
maqas ld manqas.
maqashii Cid war dhagaysiin. ld maqalsii.
maqashiin eeg maqashii. ld maqalsiin.
maqbaro 1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
maqdarad Xaflad weyn oo cid wax loogu qaaraamo.
maqiiq (1) ld maqiiqid.
maqiiq (2) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid.
maqiiqan 1. Si degdeg iyo nasasho la'aan ah wax meel ugu socdo ahaasnho. 2. Si gabbasho la'aan ah wax uga soo horjeedo ahaansho (wax).
maqiiqid eeg maqiiq². ld maqiiq¹.
maqiiqnaan eeg maqiiqan. ld maqiiqnaansho.
maqiiqnaansho ld maqiiqnaan.
maqil Firiiric, fin doob.
maqle ld maqli (1).
maqlee Beer maqli ka dhigid.
maqleyn eeg maqlee.
maqli 1. ld maqle. Beer, bari iyo hilib la jarjaray oo laysku shiilay. 2. Dixri ku dhasha hilibka baruurta leh.
maqlid eeg maqal³.
maqnaan eeg maqan. ld maqnaansho.
maqnaansho eeg maqnow. ld maqnaan.
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>