Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tartabo
dhuub (1) 1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iwm ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa.
dhuub (2) Dhenged.
dhuub (3) Wax baaxaddiisa yaryar.
dhuubaan Miro bisil oo engegan.
dhuubad ld dhuubasho.
dhuuban Wax baaxaddiisa la yareeyey ahaansho.
dhuubane Jaad kalluunka ka mid ah.
dhuubasho eeg dhuubo. ld dhuubad.
dhuubid eeg dhuub².
dhuubnaan eeg dhuuban. ld dhuubnaansho, dhuubni.
dhuubnaansho eeg dhuubnow. ld dhuubnaan.
dhuubni ld dhuubnaan.
dhuubnow 1. Wax dhuuban noqosho. 2. Wax caato ah noqosho.
dhuubo 1. Noqosho wax dhuuban. 2. Noqosho wax caato ah.
dhuudhi 1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iwm gaaraan.
dhuudhuule Qudde.
dhuudhuumasho ld dhuundhuu- masho.
dhuudhuumashow ld dhuundhuu- mashow.
dhuudhuumo ld dhuundhuumo.
dhuug (1) Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado.
dhuug (2) 1. Biyo iwm afka ama qalab kale, ku soo jiidid. 2. Sigaar cabid. ld dhuuq.
dhuuge Geed-gaab aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
dhuugid eeg dhuug². ld dhuugis, dhuuqid, dhuuqis.
dhuugis ld dhuugid.
dhuuji 1. Wax si xoog ah gacanta ugu qabasho. 2. Wax meel ku adkeyn. Tus. “Foostada furka ku dhuuji”.
dhuujin eeg dhuuji. ld dhuujis.
dhuujis ld dhuujin.
dhuuki Si tartiib ah oo gaadmo ku jirto u socosho (nafley).
dhuukin eeg dhuuki. ld dhuukis.
dhuukis ld dhuukin.
<< < 434 435 436 437 438 439 440 441 442 443 444 > >>

 

Exit mobile version