dhuug
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado.

dhuug
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Biyo iwm afka ama qalab kale, ku soo jiidid. 2. Sigaar cabid. ld dhuuq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhuug

badbax [m.l]
Guuridda reero xagga badda u guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada dhuugga, baalka iwm.

badbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Ka b.: halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka iwm xagga badda u guurid (reero).

cadcaddo [m.l]
1. Nooc dhuugga ka mid ah, yaryar, leh midab cad oo meeshi uu ku dhego aan si sahlan uga kicin. 2. C. ah: roob yar oo aan dhulka biyo dhigin.

dhuuge [m.l]
Geed-gaab aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.

dhuugid [m.f.dh]
eeg dhuug². ld dhuugis, dhuuqid, dhuuqis.

dhuugis [m.dh]
ld dhuugid.

dhuuq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
ld dhuug².

dhuuqid [m.dh]
ld dhuugid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg