Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dandarraysnaan  eeg dandarraysan. ld dandarraysnaansho.
dandarraysnaansho  ld dandarrays-naan.
dandarree  Nafley dandarro badid.
dandarro  Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
danduul  Weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
danee  1. Caano la lulayo biyo yar ku darid. 2. Wax tixgelin dheeraad ah siin.
danfadhi  B. ah: xoolo aan xero lahayn. ld banfadhi.
danfariisad  ld danfariisasho.
danfariisasho  eeg danfariiso. ld banfariisad, banfariisasho, danfariisad.
danfariisi1  Xoolo meel aan xero ahayn lagu bariisiyey. ld banfariisi¹. danfariisi2  Xoolo meel aan xero ahayn ku baryid. ld banfariisi². danfariiso  Xoolo, xero la'aan baryid. ld banfariiso.
dangalo  Wax ay isu yihiin naago la wada qabo.
dangaraaro  Madax wareer.
dangaraaroo  Dangararo dareemid (qof).
dangaraarood  eeg dangaraaroo.
dangee  Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dangeyn  eeg dangee. ld dangeys.
dangeys  ld dangeyn.
dangeysan  Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dangeysnaan  eeg dangeysan. ld dangeysnaansho.
dangeysnaansho  ld dangeysnaan.
dangiig1  1. Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. 2. ld dangiigid. ld dingiig¹. dangiig2  Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. ld dingiig². dangiigid  eeg dangiig². ld dangiig¹ (2), dingiig¹, dingiigid.
dangiigsad  ld dangiigsasho.
dangiigsasho  eeg dangiigso. ld dangiigsad, dangiigsi, dingiigsad, dingiigsasho.
dangiigsi  ld dangiigsasho.
dangiigso  Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. ld dingiigso.
dango  Garabsiin waayidda cid hiillo u baahnayd.
page : 47 of 218
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>

 

Exit mobile version