Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: darfooley
doog (1) 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. ld doogaad.
doog (2) 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².
doog (3) 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
doogaad ld doog¹.
doogad ld doogasho.
doogasho eeg doogo. ld doogad.
doogayn eeg doogee.
doogdhabasho eeg doogdhabo.
doogdhabo Meel doog leh aadid.
doogdhaw Guuridda loo guuro meel doog leh; doograac.
doogee Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.
doogid eeg doog³.
doogo Meel roob badan ku di'id.
doogoobid eeg doogow.
doogow Wax doog ka soo baxay noqosho (meel).
doograac (1) 1. Doogdhaw. 2. ld doograacid.
doograac (2) Meel doog leh u guurid.
doograacid eeg doograac². ld doograac¹, doograacis.
doograacis ld doograacid.
doogsad ld doogsasho.
doogsasho eeg doogso. ld doogsad, doogsimaad, doogsimo, doogsin.
doogsimaad ld doogsasho.
doogsimo ld doogsasho.
doogsin ld doogsasho.
doogso 1. Roob iyo barwaaqo helid. 2. Xoolo biyo la doonid. 3. Ka d.: nabar, dhibaato iwm ka bogsasho.
dooh Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.
dooh-bibanji Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinacna shan. ld banji-bidooh, biish-bidooh, dooh-bibbiish.
dooh-bibiish ld dooh-bibanji.
dooh-bicaddaan ld caddaan-bidooh.
dooh-bijoohaar Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bidooh.
<< < 461 462 463 464 465 466 467 468 469 470 471 > >>

 

Exit mobile version