qawlalan Wax qawlal gashanyahay ahaansho (awr, faras iwm).
qawlalid eeg qawlal².
qawlalnaan eeg qawlalan. ld qawlalnaansho.
qawlalnaansho ld qawlalnaan.
qawle ld qowle.
qawley Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
qawlid eeg qawl².
qawmiyad Jinsiyad. ld qowmiyad.
qawqab1 ld qabaanqab¹. qawqab2 ld qabaanqab³. qawqabid ld qabaanqabid.
qawrar1 Dildillaac yaryar oo jirka nafleyda, dhulka derbiyada iwm yeeshaan marka uu kulayl ama qabow badan ku dhaco. qawrar2 Jir nafley, dhul, derbi iwm dildillaac yaryar yeelasho kulayl ama qabow dartii. qawrarid eeg qawrar².
qaws Laba calaamadood oo bil u eg, iskana soo horjeeda oo ereyada, hadallada iwm la dhex gesho middood. ld qows.
qawsasho eeg qawso. ld qawsi.
qawshad eeg qawsho.
qawsho Calaalin (gocoso, goon).
qawsi ld qawsasho.
qawsii Shanqar “qaw” ku dhalin.
qawsiin eeg qawsii.
qawso Dab kulaalid.
qax1 Guuriitaan meel si degdeg ah looga cararo cabsi awgeed. qax2 Cabsi awgeed meel si degdeg ah uga guurid. qaxaab1 Nin saani ah oo macsida aad u jecel; dhilley. qaxaab2 1. ld qaxaabad. 2. Godad bahala galeen ah. qaxaabad Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo.
qaxaabnimo Qaxaab ahaansho.
qaxaanqax1 Qaylada ay samayso dooradu marka ay ukun dhali rabto. ld qaxaanqixid, qaxanqax¹. qaxaanqax2 Dooro ukun dhali rabta qaylo samayn. ld qaxanqax².
page : 48 of 86
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>