du eeg duw.
dub (1) 1. Maqaar, harag iwm. 2. Qolof adag oo ay dusha ku yeeshaan geedaha ama miraha qaarkood.
dub (2) ld dib¹.
dub (3) (c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
dub (4) Hilib iwm dab ku solid.
dub-sare (c.nafl.) Sooloji ahaan lakabka ugu sareeya ee unugyada jidhka xayawaanka.
dub-soohdin (fiis.) Lakab khafiif ah ee dareere oo ku samaysan oogada walax adke ah, taas oo dareeraha uu lakabku ka samaysanyahay uu socdo. Xoogga qalaad isjiidadka ayaa sababa in molikiyuulada dareeraha ee ugu dhow adkuhu ayna dhaqaaqin oo ay taagnaadaan, marka loo eego dareeraha ay ka midka ahaayeen.
dubaalad Tidic dun ah oo la geliyo feynuusta, matramakiska, fadiisha iwm oo marka la shido iftiin iyo olol bixiso; liifad.
dubaale ld dube.
dubaaq Garaad, maskax, xis. ld dibaaq.
dubaaqayn eeg dubaaqee.
dubaaqee Cid dubaaqo gaarsiin.
dubaaqo Nabar weyn oo jirka gaaray.
dubaarad Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac ka wada cad, ama dhibco is la eg ku leh; habar.
dubaax ld daabax¹.
dubaaxasho ld dibaaxasho.
dubaaxi ld dibaaxi.
dubaaxin ld dibaaxin.
dubaaxis (1) ld dubaaxin.
dubaaxis (2) ld dibaaxis².
dubaaxo ld dibaaxo.
duban Ciyaarta dubnadda hal gacan ku guulaysasho.
duban (1) Wax la dubay noqosho.
duban (2) Wax la dubay ahaansho.
dubasho eeg dubo.
dubayo Qaruhu marka uusan weli bislaan. ld bicir.
dubayoobid eeg dubayow.
dubayow Candho xoolaad oo caano ka dhammaadeen isku dhadid.
dubbad (1) ld dibbad.
dubbad (2) Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.
<< < 467 468 469 470 471 472 473 474 475 476 477 > >>