Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: lasow
dubbadhac (1) ld dubbadhicid.
dubbadhac (2) Isku d.: is abaabulid; is habayn.
dubbadhicid eeg dubbadhac². ld dubbadhac¹.
dubbarrid Isku d.: wax abaabulid; wax habayn.
dubbarridid eeg dubbarrid.
dubbasho ld dibbasho.
dubbe Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.
dubbee Wax dubbe ku garaacid.
dubbeyn eeg dubbee. ld dubbeys.
dubbeys ld dubbeyn.
dubbeysan Wax dubbe lagu garaaco ahaansho.
dubbeysnaan eeg dubbeysan. ld dubbeysnaansho.
dubbeysnaansho ld dubbeysnaan.
dubbo ld dibbo.
dubbur Tuubada dheef-shiidka afkeeda hore ee saxaradu ka baxdo; futo.
dubburyo ld dibbiro.
dubburyoo ld dibbiryoo.
dubburyood ld dibbiryood.
dubdhacsi (c.nafl.) Isbedelka degdegga ah ee caydiga laga tegayo loona gudbayo qaangaadh, kaas oo ka dhaca meerta nololeedka lafdhabarla'fara badan iyo berribiyood, tusaale: buuley ilaa cayayaan qaangaadh ah.
dubdhexaad (c.nafl.) Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iwm.
dubduleed 1. (c.nafl.) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iwm. 2. (baay.) Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.
dube Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iwm; qaloondub. ld dubaale.
dubeer Awr raray ahaa oo gaboobay.
dubid eeg dub².
dublad ld dublo.
dublo Qalab yar oo leh af ballaaran oo wareegsan iyo dabo dhuuban oo dhuun leh oo weelasha afka dhuubanhooraha lagula shubo. ld diblad, diblo, dublad.
dubmid eeg duban¹.
dubnaan eeg duban². ld dubnaansho.
dubnaansho ld dubnaan.
dubnad Dhagax yar yar oo qaab sanduuqeed leh oo tirooyin kala duwan oo dhibco ahi ku samaysanyihiin oo dadku ku dheelo. ld dumnad.
<< < 468 469 470 471 472 473 474 475 476 477 478 > >>

 

Exit mobile version