Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: aburshuqle
duko ld tuko.
dul 1. Labada dalool ee sanka middood. 2. Dalool kasta oo yar.
dul (1) 1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.
dul (2) (juqr.) Aad u fidsan, waa heer ama ugu badnaan heer meeleed oo dhul dheer, dhul sare ah.
dul-ordid eeg dul-orod.
dul-orod Wax dushooda ku ordid.
dulaandul Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
dulalaati Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. ld dululaati.
dulan (1) ld dulmi¹.
dulan (2) ld dulmi².
dulbaa'i D. ah: jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
dulbaax 1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
dulbadi Sabir iyo adkeysi badan oo dhibaatooyinka loo yeesho.
dulbeel (1) Dhaawac midda uu dusha ka dhaawacmo neef gaadiid ah oo la rarto.
dulbeel (2) Neef gaadiid ah dusha ka dhaawacmid rar la saaray awgeed.
dulbeelid eeg dulbeel².
dulcayaar Ku d.: wax dushiis cayaarid.
dulcayaarid eeg dulcayaar.
dulci Googarad duluc gelin.
dulcin eeg dulci.
duldhig Wax wax kale ka dhigid.
duldhigid eeg duldhig.
duldiir Awr rarku haaro u yeelay.
dulduleel (1) ld daldalool¹.
dulduleel (2) ld daldalool².
dulduleeli ld daldalooli.
dulduleelid ld daldaloolid.
dulduleelin ld daldaloolin.
dulduleelis ld daldaloolin.
duleed 1. Agagaar. 2. Wax gadaashiis dambe.
<< < 473 474 475 476 477 478 479 480 481 482 483 > >>

 

Exit mobile version