Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
fiiq2  ld fuuq². fiiq3  1. (f.g) Wax diir ka qaadid. 2. (f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid. 3. (f.g) Indho qalid. 4. (f.g) Meel xaaqid. 5. (f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid. fiiqan1  1. Wax dubka laga qaaday noqosho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay noqosho. fiiqan2  1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho. fiiqasho  eeg fiiqo.
fiiqid  eeg fiiq³.
fiiqmid  eeg fiiqan¹.
fiiqnaan  eeg fiiqan². ld fiiqnaansho.
fiiqnaansho  ld fiiqnaan.
fiiqo  1. Wax dub ka qaadasho. 2. Wax caarad dhuuban u yeelasho. 3. Meel qashin ka xaarasho.
fiiqsad  ld fiiqsasho.
fiiqsasho  eeg fiiqso. ld fiiqsad, fiiqsi.
fiiqsi  ld fiiqsasho.
fiiqsii  Hoore cid aayar kabbisiin.
fiiqsiin  eeg fiiqsii.
fiiqso  Hoore aayar kabbasho.
fiiqtamid  eeg fiiqtan². ld fiiqtan¹ (3).
fiiqtan1  1. Kabbaysi aayar-aayar ah oo caano loo wadaago. 2. Si tartiib ah oo caano loo dhamo. 3. ld fiiqtamid. fiiqtan2  1. Kabbaysi aayar-aayar ah caano u wadaagid. 2. Si tartiib ah caano u dhamid. fiiqtin  Qori af dhuuban oo wax mudi kara.
fiiqtukaale  Fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqno-qanayo.
fiiqtukaalee  Fiiqtukaale samayn.
fiiqtukaaleyn  eeg fiiqtukaalee.
fiiqtukaaleysad  ld fiiqtukaaleysasho.
fiiqtukaaleysasho  eeg fiiqtukaaleyso. ld fiiqtukaaleysad.
fiiqtukaaleyso  Caano si fiiqtukaale ah u dhamid.
fiir1  Nacayb loo muujiyo nafley meel ku cusub. fiir2  Nafley meel ku cusub nacayb u muujin. fiiradarro  Caqli gaabni, fahmayaro.
fiiradheer  Wax garasho wanaagasan ahaansho (qof).
page : 49 of 73
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>

 

Exit mobile version