hebdin eeg hebdi. ld hebdid (2).
hebed1 H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo. hebed2 1. Hebed noqosho. 2. ld hebdi. hebednimo Hebed ahaansho.
hebel Qof aan la aqoon magaciisa ama aan la doonayn in la sheego.
heblaa ld heblaayo.
heblaayo Haweeney aan magaceeda la aqoon ama aan la doonayn in la sheego. ld heblaa.
hed Wax la cuno. ld had (3).
hedo Geeri.
hee Erey “ku maqlay” ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. ld heeh.
heec1 Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iwm hayso. heec2 Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid. heecid eeg heec².
heeco Nayl rajo ah.
heed Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
heedaddaamid eeg heedaddaan². ld heedaddaan¹.
heedaddaan1 1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. ld heedaddaamid. heedaddaan2 Si wareer ku jiro tartiib ugu socosho. heedhe ld hee.
heeg Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.
heegaheego ld heekaheeko.
heegan1 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. ld heegmid. ld heeggan¹. heegan2 1. Wax heegan ahaansho. 2. Wax diyaar ahaansho. heegan3 Wax la heegay ama heegan ahaansho. ld heeggan². heeggan1 ld heegan¹. heeggan2 ld heegan³. heegganaan ld heegnaan.
heegganaansho ld heegnaan.
heegid eeg heeg.
heegmid eeg heegan². ld heegan¹.
page : 50 of 93
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>