Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kibir1  Qab iyo islaweyni. kibir2  Qab iyo islaweyni muujin. kibirsan  Qof kibray ahaansho.
kibirsanaan  eeg kibirsan. ld kibir-sanaansho.
kibirsanaansho  ld kibirsanaan.
kibis  Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
kibraan  Qof kibir badan.
kibri  Cid kibir ku abuurid.
kibrid  eeg kibir².
kibriid  ld kabriid.
kibrin  eeg kibri. ld kibris.
kibris  ld kibrin.
kici  1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.
kicid  eeg kac.
kicin1  Isbeddel daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabanayo; kacsan. kicin2  eeg kici. kicitimid  eeg kicitin².
kicitin1  Socdaal; safar. kicitin2  Meel u socdaalid. kidaar  Nooc kibis ka mid ah.
kidfamid  eeg kidfan¹.
kidfan1  Wax kidif laga dhigay noqosho. kidfan2  Wax kidfan ahaansho. kidfanaan  eeg kidfan². ld kidfa-naansho.
kidfanaansho  ld kidfanaan.
kidfid  eeg kidif.
kidib  Been.
kidif1  Wax la jarjaray oo aad loo yaryareeyey cad ka mid ah; jab ama go'yar; qurub. kidif2  Wax is-haysta jarjar yaryar oo badan ka dhigid; qurbid. kifaax1  1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda loo dagaallamo; halgan. 2. Raaxo.
page : 50 of 73
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>

 

Exit mobile version