Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
shaacirays  ld shaacirayn.
shaaciree  Shaaciro samayn. ld shactiree.
shaaciro  Hadal iyo dhaqdhaqaaq loola jeedo in cid looga qosliyo. ld shactiro.
shaaciroole  Qof dadka ka qosliya. ld shactiroole.
shaacis  ld shaacin.
shaadali  1. Qaxwo qafiif ah oo laga sameeyo qashirka bunka. 2. Shaah badan oo duco ahaan loo baxsho.
shaadir  Maro madow oo darfaha isaga tolan oo haweenka muslinka ahi dhex galaan jirkooda oo dhanna ku qariyaan; shuko.
shaafi  1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin.
shaafici1  Qof raacsan mad-habta shaaficiga ee fiqiga diinta Islaamka. shaafici2  Afarta mad-habood ee fiqiga Islaamka middood. shaafii  Duco carabi iyo soomaali isugu jirta oo ardayda quraanku maqribkii akhriyaan. ld shaafiin.
shaafiin  ld shaafii.
shaafiyid  eeg shaafi.
shaag  Shay wareegsan oo isugu jira cinjir iyo bir oo baabuurtu ku socdaan. 2. Dhabbe jid cadde ah oo baabuurtu marto.
shaah1  1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. ld shaahi. shaah2  Shaah cabbid. shaahi1  ld shaah¹. shaahi2  Cid shaah siin. shaahid1  Marqaati. shaahid2  eeg shaah². shaahin  eeg shaahi². ld shaahis.
shaahis  ld shaahin.
shaajac  Nin geesi ah oo aan baqin. ld shajaac.
shaajacnimo  Shaajac ahaansho. ld shajaacnimo.
shaal1  1. Go'la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi. shaal2  Gaadiid badeed mowjad weyn oo xooggan oo ka hor timid ka gudbin. shaalcad  Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
shaalid  eeg shaal².
shaamareer1  Yaab aad u badan iyo filanwaa. shaamareer2  Yaab aad u badan iyo filanwaa dareemid.
page : 50 of 118
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>

 

Exit mobile version