Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: nacaal
qaydnaan eeg qaydan. ld qaydnaansho.
qaydnaansho ld qaydnaan.
qaydo Dhul, qayb go'an cabbirasho.
qayid eeg qay².
qayil (1) Cunidda qaadka.
qayil (2) Qaad cunid.
qayilaad Fadhi habeysan iyo sheeko ay dad badani qaad ku wada cunaan.
qayilid eeg qayil².
qayilsan Qof jaad cunay ahaansho.
qayilsanaan eeg qayilsan. ld qayilsanaansho.
qayilsanaansho ld qayilsanaan.
qayilsii Qof qaad ku filan siin.
qayilsiin eeg qayilsii.
qayir (1) Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.
qayir (2) Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm. beddelid.
qayiraad Isbeddel ku yimaad midab, ur iwm.
qayiran (1) Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay noqosho.
qayiran (2) Wax midabkiis, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay ahaansho.
qayirasho eeg qayiro.
qayirid eeg qayir².
qayirmid eeg qayiran¹.
qayirnaan eeg qayiran². ld qayirnaansho.
qayirnaansho ld qayirnaan.
qayiro Dhar beddelasho.
qayixid eeg qayax².
qayl Dameer yar oo lab.
qaylad Orgi waalay ah.
qayladdir U q.: war dhiillo leh cid u geyn.
qayladdirasho eeg qayladdiro. ld qayladdirsasho.
qayladdirid eeg qayladdir.
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>

 

Exit mobile version