Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: karnaan
xorgogid eeg xorgog².
xorgogsan Wax xorgogay ahaansho.
xorgogsanaan eeg xorgogsan. ld xorgo-gsanaansho.
xorgogsanaansho ld xorgogsanaan.
xorjab (1) ld xorjabid.
xorjab (2) Xor duuduub yeelasho.
xorjabid eeg xorjab². ld xorjab¹.
xornimo Xor ahaan; xurriyad.
xoroobid eeg xorow.
xorow Xor noqosho.
xorre 1. Cudur fasas leh oo ku dhaca faraha fooddooda oo xanuun badan leh. 2. ld xarre.
xorriyad Madaxbannaani. ld xorriyo.
xorriyo ld xorriyad.
xorshosh Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaan-tood. ld xorshosho.
xortol (1) ld xortolid.
xortol (2) Laba maro iwm xortooda isku tolid.
xortolan Wax la xortolay ahaansho.
xortolasho eeg xortolo.
xortolid eeg xortol². ld xortol¹.
xortolnaan eeg xortolan. ld xortol-naansho.
xortolnaansho ld xortolnaan.
xortolo Dhar, haan iwm dhexda ka tolasho.
xoryeel (1) Nin addoon ahaa oo la xoreeyey.
xoryeel (2) Haweeney addoon ahayd oo la xoreeyey.
xoxob ld xexeb, xolxol.
xubbi Jacayl.
xubbul-yeeg Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min hal dhibic ku leh. ld yeeg.
xubeer Wax aan hanti lahayn noqosho.
xubeerid eeg xubeer.
xubeero 1. Baahi. 2. Cayrnimo.
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>

 

Exit mobile version