tumbul1 Nooc geed-saarka ka mid ah oo udgoon. tumbul2 Dad ama xoolo aan badnayn oo meel tuuran. tumbur Wax tumburo ku dhufasho. ld tumburyee.
tumburi (muus.) Shareero.
tumburid eeg tumbur. ld tumburyeyn.
tumburo Gacanta faraheeda oo duuban oo hoos wax loogu dhufto. ld tumburyo.
tumburyee ld tumbur.
tumburyeyn ld tumburid.
tumburyo ld tumburo.
tumid eeg tun².
tummaati1 Nabar waran oo toos iyo gacanqabsi ah. tummaati2 Waran, mindi iwm iyadoo daabka la haysto qof ku mudid. tummaatiyid eeg tummaati².
tummun Rubuc laba loo dhigay meel; fallar.
tumnaan eeg tuman. ld tumnaansho.
tumnaansho ld tumnaan.
tumo 1. (f.g) Bir qalab ka samaysasho. 2. (f.mg) Wan dhufanan ka dhigaasho. 3. (f.mg) Qof wuxuu jecelyahay ku raaxaysasho. 4. (f.mg) Ku t.: qof korkii ama wax kale ku durdurin, ku baabbacayn; cagaha la dhicid.
tumun Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; fallar. Tus. “T. kiilo bariis ah”. ld tummun.
tumuujayn eeg tumuujee. ld tumuujo.
tumuujee Cid tantoomo la dhicid.
tumuujo ld tumuujayn.
tun1 Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda. tun2 1. Badar iwm buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid. tundura (juqr.) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
tunjileec Tabar darro cid lagu dareemay oo lagu haadsado.
tunjileecsasho eeg tunjileecso. ld tunjileecsi.
tunjileecsi ld tunjileecsasho.
tunjileecso Cid tabardaran maagid.
tunsii Ku t.: ku tumasho.
tunsiin eeg tunsii.
page : 54 of 60
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>