Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kog  Wax fidsanaa isku soo roorid.
kogid  eeg kog.
kogsan  Wax kogay ahaansho.
kogsanaan  eeg kogsan. ld kogsa-naansho.
kogsanaansho  ld kogsanaan.
koji  Wax fidsan isku soo roorin.
kojin  eeg koji.
kojiye  Toddoba-maggaarto; teetano.
kol1  1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa. kol2  K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.” kolay  Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
kolayfiiq  Weel qashinka lagu ururiyo.
kolaytis  (daaw.) Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
kolka  eeg kol².
kolkii  eeg kol².
kolkol1  Waqtiyo kala durugsan; marmar. kolkol2  Kolay lagu sameeyo in dharka duubayo. kolla  Marnaba; marna.
kollajiin  (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
kollaydh  (baay.) Kollaydhada markii ugu horreysey waxa uu u qeexay Thomas Graham sannadkii 1861, walxo ahaan, sida istaarj ama jellatiin, kuwaas oo aan ka gudbi karin xuub.
kolley  K.ba: si kastaba; dhab ahaan.
kollooydh-soocid  (baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
kolmayn  eeg kolmee.
kolmaysan  Wax kolmo loo yeelay ahaansho.
kolmaysnaan  eeg kolmaysan. ld kolmaysnaansho.
kolmaysnaansho  ld kolmaysnaan.
kolmee  Ka k.: wax, wax kale ka soo laalaadin ama lalmin.
kolmo  (nax.) Astaan qoraal (“ “) oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (tus. Cali wuxuu yiri: “berri baan imanayaa”).
kolombaawi  Macawiso raggu qaato midabyo kala gaar ah leh.
kolon  1. Labo cad oo yaryar oo dhuudhuuban oo cunaha ariga qaarkiis ka baxa midkood. 2. Buro jirka meel ka mid ah ka soo baxda oo laallaadda. 3. (w) eeg kolmo.
page : 55 of 73
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>

 

Exit mobile version