koji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax fidsan isku soo roorin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koji ↴
onkojiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
galaykojiin [m.l] (-nyo/-no, m.dh)
(kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo- haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
kojin [m.f.dh]
eeg koji.
kojiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Toddoba-maggaarto; teetano.
toddobamaggaarto [m.dh]
(daaw.) Cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca, murqaha iyo seedaha kojiya oo si dhaqso ah u dila; kojiye; teetano.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg