kol
(m.l)1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol
(Xiriiriye | Conjunction)K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kol ↴
aalkol [m.l]
Dareere aan midab lahayn oo dabka
qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo. aalkolo
aalkolo [m.dh]
ld aalkol. aalkol
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
yabooh [m.l]
1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid. yaboohid
daaddah [m.dh]
Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.
faaltow [m.l]
1. Markab aan waqti u go'an lahayn oo kolkuu imaanayo iyo mar kale la kala aqoon. 2. Qof dawdar ah oo hadba meel aan laga filayn taga. 3. Dibi banjoog ah.
kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.