Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qayshad  eeg qaysho.
qaysho  U q.: qof dhibaateysan cid kaalmo ka dalbasho.
qayso  Su!; Tu! (cod geela lagu fariisiyo si loo raro).
qeeriin  ld ceerin.
qeex  Wax si wanaagsan u sharxid.
qeexan  Wax la qeexay ahaansho.
qeexid  eeg qeex.
qeexnaan  eeg qeexan. ld qeexnaansho.
qeexnaansho  ld qeexnaan.
qeyd  Cad yar oo maro ah oo ilaa laba yaardi dhan oo sida badan ay carruurtu qaataan.
qeydaddaar  Qof qaynuunka aqoon u leh.
qeydar  (qeydar, m.dh) 1. Geed weyn, dheer oo qodxo leh oo balliyada ka baxa. 2. Balli yar.
qeydin  1. Ul weyn; siiqe. 2. Ul yar; dhenged.
qeydo  1. Qaynuun. 2. Ogaal.
qeynuun  ld qaanuun.
qeyr  1. Laba nafley ama ka badan oo d'adooda isku mid tahay. 2. Khayr. ld qayr.
qeyrabbax  1. Dad dagaal in ay u baxaan diyaar u ah. 2. Shinnida marka ay guureyso.
qeyro  1. Dad meel miyi ah wada deggen. 2. Beesha shinnida.
qiblad  ld qiblo.
qiblee  Wax dhanka qiblada u jeedin.
qibleyn  eeg qiblee.
qibleysad  ld qibleysasho.
qibleysan  Wax dhanka qiblada u jeeda ahaansho.
qibleysasho  eeg qibleyso.
qibleysi  ld qibleysasho.
qibleysnaan  eeg qibleysan. ld qibleysnaansho.
qibleysnaansho  ld qibleysnaan.
qibleyso  1. (f.g) Cid qiblo u jeedsasho. 2. (f.mg) Waxqiblo u jeedsasho.
qiblo  1. Jahada kabcada oo ay muslimiintu u jeestaan marka ay dukanayaan. 2. (-ooyin, m.l) Jaho. ld qiblad.
qiic1  ld qaac¹.
page : 55 of 86
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>

 

Exit mobile version