Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qiic2  ld qaac². qiici  ld qaaci.
qiicid  ld qaacid.
qiicin  ld qaacin.
qiil  Wax la cuskado oo shirci ah oo aan aad u weyneyn, laakiin caqli gal ah.
qiilqiil  1. Xaalad halis ah. 2. Q. ah: ciriiri badan oo wax helitaankoodu galo.
qiimabbarar  Kor u kicidda qiimaha badeecada; sicirbarar.
qiimad  ld qiime.
qiimadhac  (dhaq.) Hoos u dhicidda qiimaha badeecadda.
qiimaha sugan ee leeb  (xis.) Dhererka leebka iyadoo aan la tixgelin jihada leebka. Qiimaha sugan ee lebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibbaarka xubnihiisa, taas oo ah, jihada leebka. Qiimaha sugan ee leebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibaarka xubnihiisa, taas oo ah, /xi+yi+zk/ = x2+y2+z2
qiimaha sugan ee tiro maangal ah  (xis.) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee - 6 waa 6.
qiimaha sugan ee tiro murakab ah  (xis.) Xidid labajibbarka wadarta labajibbaarada ee qaybteeda maangalka iyo qaybteeda khayaaliga ah. Waxa kale oo la yiraahdaa laxaadka tiro murakab ah.
qiimasheeg  Warqad ay ku qoran tahay kharashka ku baxay badeeco meel loo diray, qaa'imad.
qiimayn  eeg qiimee. ld qaymeyn.
qiime  1. Sicirka ay joogto badeecadi. 2. Waxtarka nafley ama wax kale ay leeyihiin. ld qayme, qiimad, qiimo.
qiime tamar-gubasho  (fiis.) Kulka ka soo baxa gubashada halkii halbeeg ee cufka walax. Qiimaha tamar gubashada waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado qiimaha tamarta shidaalka. Badanaa waxa lagu cabbiraa meega-juul halkii kiiloogaraam (mj/kq).
qiimee  1. Nalfey, badeecad iwm qiimahooda sheegid. 2. Cid sharfid. ld qaymee.
qiimi  ld qiime.
qiimo  ld qiime.
qiiq1  1. Q. isku qarin: hargalulid (qof), iska yeelyeelid (qof). 2. ld qaac¹. qiiq2  ld qaac². qiiq-iskuqarin  Wax aan la ahayn oo la iska yeelo si loo maldaho xumo la sameeyey ama la sameyn doono. ld qiiq-iskuqaris.
qiiq-iskuqaris  ld qiiq-iskuqarin.
qiiqaab1  ld qaac¹. qiiqaab2  ld qaac². qiiqaabid  ld qaacid.
qiiqbiyood  Uumi-biyood.
qiiqi  ld qaaci.
qiiqid  ld qaacid.
qiiqin  ld qaacin.
page : 56 of 86
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 > >>

 

Exit mobile version