Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
shakaal2  (xis.) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha. shakaal3  1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo. shakaalan  Wax la shakaalay ahaansho.
shakaalid  eeg shakaal².
shakaalnaan  eeg shakaalan. ld sha-kaalnaansho.
shakaalnaansho  ld shakaalnaan.
shakad  Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
shakal1  ld sakal¹. shakal2  ld sakal². shakalid  ld sakalid.
shakamad  Suun dun bulush ah leh oo fardaha madaxa loogu xiro qurux awgeed.
shakamadayn  eeg shakamadee.
shakamadee  Faras shakamad ku xirid.
shakhsi  1. Qof. 2. Sh. ah: khaas ah; fardi ah.
shakhsiyad  Tayada dadnimo ee qof leeyahay.
shaki1  Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo. shaki2  Wax xaqiiqdooda sugi waayid. shakin  ld shakiyid.
shakisan  Wax shaki ku jiro ahaansho.
shakisnaan  eeg shakisan. ld shakis-naansho.
shakisnaansho  ld shakisnaan.
shakiyid  eeg shaki². ld shakin.
shalabow  Dhacaan cad oo biyo-biyo ah, laga liso geedka baarka, la cabbo oo marka layska badiyo lagu wareero ama lagu sakhraamo.
shalamad  1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
shalamad-dhigasho  Cid meel deggan oo inta qof u yimaada iskala jooga. ld shalamad-dhigid.
shalamad-dhigid  ld shalamad-dhiga-sho.
shalammadle  ld salammadle.
shalaw  Meel hoos u dheer, ciriiri ah oo wixii ku dhaca sida looga soo baxsho dhib badantahahy.
shalawtir1  Buuxinta la buuxiyo weel wax yar ka dhimanyihiin. shalawtir2  Weel wax yari ka dhimanyihiin buuxin.
page : 56 of 118
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 > >>

 

Exit mobile version