Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: misow
darraysad ld darraysasho.
darraysasho eeg darrayso. ld darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho, tarra.
darraysi ld darraysasho.
darrayso Timaha darro marsasho. ld tarrayso.
darrib Cid tababbarid.
darribid eeg darrib.
darro Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. ld tarro.
darroor (1) Biyo aqalku kor ka soo daayo kolka roobku da'aayo.
darroor (2) Aqal, biyo kor ka soo deyn.
darroori Biyo meel sare fadhiya ka daadin.
darroorid eeg darroor².
darroorin eeg darroori.
darrow (1) Liididda wax la liido ama la xaqiro; quursi. ld darraabid.
darrow (2) 1. Wax quursasho. 2. U d.: wax dhaqaale darrayn. ld darraw².
darsad ld tarsad.
darsamid ld darmid.
darsan (1) ld darsin.
darsan (2) ld daran².
darsan (3) ld daran³.
darsanaan ld daranaan.
darsanaansho ld darnaan.
darsasho eeg darso. ld darsad, darsi.
darshad ld tarshad.
darsi ld darsasho.
darsin Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. ld darsan¹, dersin.
darso 1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.
daruur (1) 1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
daruur (2) Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
daruur (3) (fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
daruur (4) Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>

 

Exit mobile version