cawritiryo ld cawritir¹.
cawro Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.
cawro1 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi. cawryid eeg cawri².
caws Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.
cawsgolgol 1.Harar aan waynayn, samayskiisuna fiicfiicnayn. 2. Kash-kash caws ah oo ardaayada lagu goglo.
cawsiyo-biyokunool 1. Lo'.
cawsley1 1. Dad caws qada. 2. Dhul caws keliya ka baxo. cawsley2 (juqr.) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada. cawtalgasiir Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo.
cay1 Dhareer; calyo. cay2 1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo. cay3 (caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay². cayaar1 1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iwm. 4. Kaftan aan run ahayn. ld ciyaar¹. cayaar2 1. Madaddaali tab iyo xeel leh waqti isku dhaafin. 2. Fal, jaan iyo jiib leh habeen waqti isku dhaafin. 3. Tartan kubbad, orod iwm. ka qaybqaadasho. 4. Kaftan dhihid. Cayaaraha eeg Cayaar
cayaari1 Garangar yar oo inta xarig laga dhexdudisiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafyad. ld ciyaari¹. cayaari2 Wax ciyaar ku madaddaalin. ld ciyaari². cayaarid eeg cayaar². ld ciyaarid.
cayaarin eeg cayaari. ld ciyaarin.
cayaarsii 1. Wax ciyaar ku madaddaalin. 2. Qof tababbarid (askaro). ld ciyaarsii.
cayaarsiin eeg cayaarsii. ld cayaarsiis, ciyaarsiin, ciyaarsiis.
cayaarsiis ld cayaarsiin.
cayaartoy1 (cayaartoy, m.dh) Nin nooc cayaaraha ka mid ah loo tababbaray oo yaqaan sida loo dheelo. ld ciyaartoy¹. cayaartoy2 1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iwm. ld ciyaartoy². cayaaryahan Qof nooc ciyaaraha ka mid ah ku wanaagasan. ld ciyaaryahan.
cayaaryaxaas Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. ld ciyaaryaxaas.
cayaayir 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
cayalo'aad Nagaar dhulka ku faafa caleemo biyo ka buuxaan iyo laamo jilicsan leh oo ka baxa meesha degelka leh.
cayayaan Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm.
page : 58 of 95
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>