cayayaan
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective) (-nno, m.dh)Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cayayaan ↴
laacayaal [m.dh]
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
uraa [m.l]
Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.
asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
ayax [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(c.nafl.) Cayayaan yaryar, oo baalal iyo lix lugood oo labada dambe ka dhaadheeryihiin kana xoog badanyihiin kuwa kale leh, koox koox aad u badan isu raaca oo dhirta iyo dalaggaba waxyeeleeya.
ayeeyolugdheer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(c.nafl.) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld ayeeyolugadheer.
bahal [m.l] (-llo /-lo, m.dh)
1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.
bahalhoosaad [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Xamaaratada iyo cayayaanka intooda sunta leh ama qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda. ld bahalhoose.
barijugley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.
boobe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.
booddo [m.dh]
1. ld bootin. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo laba melood laysaga hawakaco. 2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.