Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tiico
kooxayn eeg kooxee. ld kooxays.
kooxays ld kooxayn.
kooxee Koox koox ka dhigid.
kooxkoox Wax qaybo-qaybo u kala qaybsan. ld koorkoox.
kor (1) 1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir.
kor (2) 1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid.
kor-ood Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
korad ld korasho.
koran ld koron.
koranwaa (1) 1. K. ah: sugiwaa; dhawriwaa. 2. ld koranwaayid.
koranwaa (2) Sugid waayid; dhawriwaayid.
korasho eeg koro. ld korad.
kordhi Wax hore loo hayey wax ku sii darid; badin.
kordhid eeg koror².
kordhin eeg kordhi. ld kordhis.
kordhis (1) ld kordhin.
kordhis (2) Khudaar la cuno oo ka baxda dhul-beereedka, meelaha carro-madowga ah, waqtiga roobka.
kordhisasho eeg kordhiso.
kordhiso Wax horey loo hayey wax ku darsasho.
kordhiye (fiis.) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.
kore (1) ld korow.
kore (2) Meel sare ku sugan; korreeya.
kori 1. (f.g) Wax dhashay ama yar dheefin si uu u weynaado. 2. (f.mg) Ka k.: nafley dhibaato ka nabad-gelin (Ilaah).
korid eeg kor².
korin eeg kori. ld koris.
koris ld korin.
koritaan dhaqaale (dhaq.) Koritaan warshad ama dhaqdhaqaaq dhaqaale, wax kordha lacagta ku baxda iyo wax-soo-saarka.
korjad Harag iwm oo labaatan xabbo ah.
korjoog 1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
korjooge Cid dusha ka ilaalin; gaarhaye.
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>

 

Exit mobile version