kordhin
(m.f.dh)

eeg kordhi. ld kordhis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kordhin

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

saayidi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tiradooda kordhin. ld saa'idi.

tacabkordhin [m.dh]
Wax soo saarka oo la badiyo.

balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.

beekhaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax tashiilid. 2. Wax la miisayo wax yar ku kordhin.

biir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax intay ahaayeen ka badasho. 2. Ku b.: wax tiradooda kordhin. 3. Ku b.: cid ka mid noqosho.

biiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax si tiradoodu u badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax kale oo la nooc ah ku kordhin.

ciriiri [f.g/mg1/2] (-ryay,-riday/risay;-ryi)
1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri².

cuslee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.

dallacsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Qof, derajo u kordhin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg