engegso Wax qoyan qalalsasho (cid).
engeji Wax qoyaan ka qalajin.
engejin eeg engeji. ld engejis.
engejis ld engejin.
entameeba (baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.
eraley ld eriley (1).
eralow ld erilow.
ered Awood qofka Eebbe siiyo oo habaarkiisa iyo ducadiisuba kacdo.
ereg1 Wax cid si ku-meelgaar ah loogu dhiibto. ereg2 Ereg u bixin, u dhiibid. erey 1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.
erey-dareen (nax.) Cod muujinaya hadlaha shucuurtiisa sida yaab, naxdin farxad iwm. Tus. “Ba'a!”, “Alla hayow!”.
ereybixi Ereyo cusub samayn.
ereybixin1 eeg ereybixi. ereybixin2 1. (nax.) Siinta magac u gaar ah laa siiyo farsamo; fikrad, cilmiyeed iwm. 2. Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo. ereyfur (nax.) Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo, iyadoo erey walba la qeexayo waxa uu yahay.
ergan Wax la ergay ahaansho (xoolo, alaab iwm).
erganaan eeg ergan. ld erganaansho.
erganaansho ld erganaan.
ergasho eeg ergo.
ergee Farriin, war iwm tol, qolo dawlad iwm u qaadid.
ergey 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tus. “Saalax waa ergeyga soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.
ergeyn eeg ergee.
ergeysan 1. Wax la oggoladay ahaansho (farriin, arrin iwm). 2. Wax ergo loo dhiibto ahaansho (farriin, arrin iwm).
ergeysasho eeg ergeyso.
ergeysii Wax ergo ahaan cid u siin.
ergeysiin eeg ergeysii.
ergeyso Ergey dirasho.
ergi Xoolo, alaab iwm. in muddo ah cid siin.
ergid eeg ereg².
page : 7 of 9
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 >