korsocoto Socoto reero u marti ah.
korsooh1 Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan. korsooh2 Xarig hab saddex lugood ah u tabin. korsoohid eeg korsooh².
kortag1 Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid. kortag2 1. Kaadi ama saxaro meel durugsan u aadid. 2. Ka k.: dad meel joogey oo aan ku ogeyn si kedis ah ugu tegid. kortegid eeg kortag².
korubooddo Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro oo si god ka bood ah la isugu cuno.
koryaal Qumbe ligligii laga gooyey oo haruub loo yeelay.
koryeeri Bas.
kosayn 1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
kotaanjant (xis.) Fansaar tirigonoo-meeteri ee xagal, kaas oo la mid ah ro-gaalka tanjankiisa.
kow Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. ld koow.
kowaad ld koowaad.
kowk (jool.) Adke aan cufnayn oo burbura midabkiisuna yahay boor oo ay ku jiraan ilaa 80% kaarboon ahi. Waa hadhaaga la helo marka la samaynayo neefta dhagax-dhuxuleedka. Waxa kale oo laga diyaariyaa dhagax-dhuxuleedka oo lagu shido heerkul hoose.
kowrax Hilib iwm oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
kowraxsan Hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
kowrixi Hilib kowrax ka dhigid.
kowrixid eeg kowrax.
kowrixin eeg kowrixi.
kowsad ld kowsasho.
kowsasho eeg kowso. ld kowsad, kowsi.
kowsi ld kowsasho.
kowso Tiro bilaa-basho.
koxdin Xiddig naafaha ka mid ah, oo u dhexeysa majinta iyo dirirdayga.
koyto Dad yimid oo degey dhul aanay ku dhalan.
ku1 Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo. ku2 (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”. ku dhalasho (baay.) Xaalad qof ku dhasho sida badanna uu waalidka ka dhaxlay.
kub Cagta iyo lowga xubinta u dhexeysa.
page : 63 of 73
<< < 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 > >>