hingilnaan eeg hingilan. ld hingil-naansho.
hingilnaansho ld hingilnaan.
hingo1 Neef si xoog leh dhuunta dadka u soo marta oo qaarka sare dhaqaajisa. ld higgo¹, hungo (2). hingo2 ld hingoo. hingoo Higgo sii deyn. ld higgo², higgoo, hingo.
hingood eeg hingoo. ld higgasho, higgood, hingasho.
hinifsad ld hinifsasho.
hinifsasho eeg hinifso. ld hinifsad, hinifsi.
hinifsi ld hinifsasho.
hinifso Dareere yar oo weel salkiisa ku jira ka laacid.
hinji 1. Wax culus in yar kor u qaadid. 2. Culays weyn qaadid.
hinjibiso 1. Hayaamiso; hayoomiso. 2. Cudur hinjibisadu keento.
hinjin eeg hinji. ld hinjis.
hinjis ld hinjin.
hinjisasho eeg hinjiso.
hinjiso Wax culus qaadasho.
hinni Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
hinnig H. ah: qof gaaban, caato ah oo tabardaran.
hinnigsan Qof hinnig ahaansho.
hinnigsanaan eeg hinnigsan. ld hinnigsaanaansho.
hinnigsanaansho ld hinnigsanaan.
hinqad ld hinqasho.
hinqasho eeg hinqo. ld hinqad.
hinqi Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.
hinqin eeg hinqi.
hinqo Kicid u hollasho.
hinraag1 1. Cod weyn oo qof aad u jirran ka so baxa. 2. Cida libaaxa. ld hiinraag¹. hinraag2 1. Qof aad u jirran cod weyn soo saarid. 2. Libaax ciyid. ld hiinraag². hinraagid eeg hinraag².
hintaaqayn ld hantaaqayn.
page : 64 of 93
<< < 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 > >>