sharrif Cid xushmayn.
sharrifid eeg sharrif.
sharriir ld shariir.
sharrixid ld sharraxid.
sharuur Iniino bun oo subag ama saliid lagu dubo oo korka la marsado lana cuno.
sharxid eeg sharrax². ld sharaxid, sharixid.
shataar1 Sh. ah: qof arrimihiisa ganacsi fulin og oo xeelad iyo baraarugsanaan daran wax ku meel marsada. ld shitaar¹. shataar2 Arrin si shataaradi ku jirto u fulin. ld shitaar². shataarad 1. Naag arrimaheeda ganacsi fulin og oo xirrib (xeelad) iyo baraarugsanaan daran ku meel-marsata. 2. Xirribta iyo baraarugsanaanta arrimaha ganacsi iwm lagumeel-mariyo. ld shitaa-rad.
shataarid eeg shataar². ld shitaarid.
shati Dukumenti dawladeed oo sharciyeeya ganacsi.
shaw-maddoonto Nooc ka mid ah mariidka oo si degdeg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.
shawaal Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.
shawl1 1. Cabbitaan la siiyo qof aad u jirran oo sakaraad ah. 2. Ceel meel dhagax ah ku yaal oo af dhuuban. 3. ld shawlid. ld kawl¹. shawl2 Qof aad u jirran wax ku qulaamin. ld kawl². shawlax Ciid dhagxaan yaryar leh oo bulukeetiga laga sameeyo. ld shawlaxo.
shawlaxo ld shawlax.
shawlid eeg shawl². ld kawl¹, kawlid, shawl¹.
shawr Geed biyaha dhanaan ka dhex baxa oo leh caleemo aad u balballaaran aadna u cagaaran iyo laamo dhaadheer oo wax lagu dhisto. ld shawro.
shawr1 Kulan qarsoodi ah oo arrimo gaar ah looga wada hadlaayo. ld showr¹. shawr2 Kulan qarsoodi ah arrimo gaar ah uga wada hadlid. ld showr². shawri1 Geed dheer oo toos u baxa oo caleemo yaryar oo dhuudhuuban iyo loo- xaan adag leh. shawri2 Cid si qarsoodi ah wax ugu sheegid. shawrid eeg shawr². ld showrid.
shawrin eeg shawri. ld shawris.
shawris ld shawrin.
shawro ld shawr.
shawshaw (muus.) Dhawaaqa shambalka soo saara.
shax1 1. Cayaar dhulka lagu dhigto ama loox loo sameeyey korkiis oo laba qof lagu cayaaro. 2. Shilin yaryar oo aan ishu aad u qaban karin. 3. Jadwal. shax2 Shax cayaarid.
page : 64 of 118
<< < 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 > >>