sheed 1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
sheeg Xog tabin.
sheegad ld sheegasho.
sheegasho eeg sheego. ld sheegad.
sheegato Dad sheegta tol aysan ka dhalan ee xeer iyo dano kale ku raacay.
sheegid eeg sheeg.
sheego 1. Dacwad, arrin, qaan iwm jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid.
sheegsad ld sheegsasho.
sheegsasho eeg sheegso. ld sheegsad, sheegsi.
sheegsi ld sheegsasho.
sheegso Qof cidda uu ka dhashay wayddiin.
sheekabaraley Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
sheekasheeko Hadal aan murti badan lahayn oo waqtiga laysku dhaafiyo. ld sheekosheeko
sheekaxariir ld sheekaxariiro.
sheekaxariiro Sheeko murti leh, la mala-awaalo oo soo gudbisa dhaqanka dadka; maantooley. ld sheeka-xariir.
sheekayn eeg sheekee. ld sheekays.
sheekays ld sheekayn.
sheekaysad ld sheekaysasho.
sheekaysasho eeg sheekayso. ld sheekaysad, sheekaysi.
sheekaysi ld sheekaysasho.
sheekayso Cid sheeko la yeelasho.
sheekee Qof, sheeko sheegid.
sheekh ld shiikh.
sheeko 1. Hadal taxane ah oo dhacdo run ama been ah wax ka sheegaya. 2. Wax laysu sheego.
sheekosheeko ld sheekasheeko.
sheel1 1. Meel wax lagu qarsado. 2. Xabsi. sheel2 Wax qarin. sheelid eeg sheel.
sheellarayn eeg sheellaree.
sheellare Bir xalleefsan, shukaanta halkeeda hoose ku taal oo marka cagta lagu riixo uu kordho xawliga wareegga matoorku.
page : 66 of 118
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>