Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: liilan
fullaacso Wax, wax kale ka dillaacsasho.
fulul (1) 1. Saxro (xayawaan ama dad) oo markaas la saxrooday. 2. ld fululid.
fulul (2) Wax aasnaa sida xidid dibad u soo bixid.
fululi Wax aasnaa sida xidid iwm dibad u soo bixid.
fululid eeg fulul². ld fulul¹ (2).
fululin eeg fululi.
funaanad 1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.
funjuqi Miro qolof ka saarid.
funjuqin eeg funjuqi. ld funjuqis.
funjuqis ld funjuqin.
funjuqsan Miro wax la funjuqay ahaansho.
funjuqsanaan eeg funjuqsan. ld funjuqsanaansho.
funjuqsanaansho ld funjuqsanaan.
funjuqsasho eeg funjuqso.
funjuqso Miro qolof kala bixid.
funnay Dibi, orgi, wan, fool xun oo aan qoodh ahayn.
funtaano ld foontaano.
fuq (1) 1. Labada daan oo afka midkood. 2. Wax, wax kale oo adag ka soo go'ay. 3. ld fuqid.
fuq (2) Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id.
fuqaraa eeg faqiir.
fuqdo 1. Geed yar oo aan lahayn xididdo hoos jira oo ciidda iska dul saaran. 2. Wax aan sal adag lahayn oo sahal loo siibi karo. 3. Sabirdarrada uu leeyahay qof aan ka dhursugi karin duruufaha adag.
fuqid eeg fuq². ld fuq¹ (3).
fuqsad ld fuqsasho.
fuqsasho eeg fuqso. ld fujisasho, fuqsad.
fuqso Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. ld fujiso.
fur (1) Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm.
fur (2) Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.
fur (3) 1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.
furaad Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.
furaadsad ld furaadsasho.
<< < 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 > >>

 

Exit mobile version