haad-ka-adag Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.
haad-kacarar H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor.
haad-karoor ld haad-kacarar.
haadaan 1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
haadahaade Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
haadey Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey.
haadi 1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati.
haadid eeg haad³. ld haadis².
haadin eeg haadi. ld haadis¹, haatin.
haadis (1) ld haadin.
haadis (2) ld haadid.
haadsasho eeg haadso.
haadso Cid dhibaato haysata darteed uga faa'i ideysasho.
haadso (1) Badar buunsho ka saarasho.
haadun Dad cayr ah; haawey.
haag Ka h.: Wax aad uga dhergid.
haagid eeg haag.
haah Qurub tilmaama oggolaansho ama wax ku raacid. ld haa, haaheeyo, hahey.
haaheeyarraac Qof wixii loo sheego rumaysta.
haaheeyo ld haah.
haahey ld haa.
haajir (1) 1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3).
haajir (2) Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. ld haayir².
haajirid eeg haajir². ld haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
haaka Mahadnaq; baga! ld haakaalle, haakah, hakah.
haakaalle ld haaka.
haakah ld haaka.
haal Isxilsaar; aabayeel.
haalaati Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati.
haalbeeg Meesha nafleydu u nugushahay oo haddii lagu dhufto ay adagtahay in uu ka kaco.
<< < 674 675 676 677 678 679 680 681 682 683 684 > >>