Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: firikhi
habhableyn eeg habhablee.
habheeb Meel aan cidi degganayn oo halis ah.
habi Caqli, maan.
habid eeg hab4.
habiiraq (1) Socod aayar ah oo si joogto ah hoore u socdo.
habiiraq (2) Hoore si aayar ah oo joogto ah u socosho.
habiiraqid eeg habiiraq².
habila'aan Caqli yari, nacasnimo.
habilaawe Qof aan caqli badan lahayn.
habjaq (1) Socod cagajiid ah. ld habjaqle.
habjaq (2) Socod cagajiid ah socosho.
habjaqid eeg habjaq².
habjaqle ld habjaq¹.
habjaqlee Si habjaq ah u socosho.
habjaqleyn eeg habjaqlee.
hablo Tiro gabdho ah oo hal ka badan.
haboon eeg habboon.
habow (1) 1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. ld haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay. 4. ld habaabid.
habow (2) 1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid.
habqaad Dhiil yar oo ilmaha caanaha loogu shubo.
habqamid eeg habqan².
habqan (1) 1. Socod daal iyo dhibaato darteed dad wada socda ku kala haraan. 2. Dhawaaq dad kala dambeeyaa isdhaafsadaan.
habqan (2) Habqan samayn.
habqoraxeed Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
habrasho eeg habro.
habrawadaag (1) Dad hooyooyinkood walaalo yihiin.
habrawadaag (2) Dad hooyooyinkood walaalo.
habro Cid si wanaagsan oo aan hagrasho lahayn wax ugu qabasho.
habroor (1) ld habroorid.
habroor (2) Ilmo macluul ah abaydiminta aan ku habaysnayn darteed ahaansho.
<< < 681 682 683 684 685 686 687 688 689 690 691 > >>

 

Exit mobile version