Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
habroorid eeg habroor².
habsaamid eeg habsaan². ld habsaan¹.
habsaan (1) 1. Daahid qof ka daaho meel laga sugayey. 2. H. ah: Qof ka daahay meel laga sugayey. 3. ld habsaamid.
habsaan (2) Wax dib u dhacay ahaansho.
habsabbuux Baddu marka ay kacsantahay.
habsad ld habsasho.
habsamaan eeg habsan. ld habsamaansho, habsami.
habsamaansho ld habsamaan.
habsami Si asluub iyo maamuus leh oo loo dhaqmo. ld habsamaan.
habsan Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.
habsasho eeg habso². ld habsad.
habsii Cid kalgacayl dartii isku duubid.
habsiin eeg habsii.
habso (1) Caaryidda ama buuxsamidda badda marmarka qaarkoodka dhaca.
habso (2) 1. Si aan habsamayn u fariisasho. 2. Ku h.: abaar, cudur iwm si cid u saamayn. Tus. “Abaar baa dalka ku habsatay”.
habuuq (1) Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. ld haquuq¹.
habuuq (2) Beer, waqti sabuulkeeda la cuni karo gaarid. ld haquuq².
habuuqid eeg habuuq². ld haquuqid.
habuuqsasho eeg habuuqso. ld haquuqsasho.
habuuqso Habuuq gurasho. ld haquuqso.
habxumaan eeg habxun. ld habxumaansho, habxumi, habxumo.
habxumi ld habxumaan.
habxumo Si aan wanaagsanayn oo wax yihiin. ld habxumaan.
habxun 1. Wax aan si habboon isugu dubaridnayn ahaansho. 2. Qof si aan wanaagsanayn wax u farsameeyey ahaansho.
had 1. Dhimashada. 2. Wed. 3. ld hed.
had (1) 1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.
had (2) eeg haddii.
had (3) 1.Wax fahmid ama garasho. 2. Wax xusuusid. 3. Qof dilid.
hadaadumid eeg hadaadun². ld hadaadun¹ (2).
hadaadun (1) 1. Cayrnimo iyo gaajo darteed oo la dalaabo. 2. ld hadaadumid.
<< < 682 683 684 685 686 687 688 689 690 691 692 > >>

 

Exit mobile version