Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
hadaadun (2) Cayrnimo iyo gaajo darteed la dalaabid.
hadaaf (1) 1. Socod tartiib loo socdo. 2. ld hadaafid.
hadaaf (2) Socod tartiib ah socosho.
hadaafi Nafley tartiib u wadid.
hadaafid eeg hadaaf². ld hadaaf¹ (2).
hadaafin eeg hadaafi. ld hadaafis.
hadaafis ld hadaafin.
hadaaq (1) 1. Hadal aan la garanayn oo carruurta aan hadalbaran ku dhawaaqdo marka ay ciyaarayaan. 2. Hadal aan micno lahayn. 3. ld hadaaqid.
hadaaq (2) 1. Carruur hadal barad ah hadal aan la garanayn ku dhawaaqid. 2. Hadal aan micno lahayn dhihid.
hadaaqid eeg hadaaq². ld hadaaq¹ (3).
hadaayad Daboolka sufriyada. ld hado, hayaayad.
hadaf (1) 1. Ujeeddo, himilo. 2. ld hadfid.
hadaf (2) Laamo geed oo ay caleemo badan ku yaalliin.
hadaf (3) Wax ka ilduufid.
hadal (1) Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
hadal (2) Ereyo macno leh sheegid.
hadalbadi Dabeecad qof leeyahay oo ah in uu had iyo jeer sheego hadal tiro badan oo aan loo baahnayn. ld hadalbadni.
hadalbadni ld hadalbadi.
hadalcun Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
hadalhayn eeg hadalhee.
hadalhee 1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid.
hadaljeeli Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
hadalla'aan Aamusnaan.
hadalsii Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid.
hadalsiin eeg hadalsii.
hadaltiro Hadal badan oo aan loo baahnayn.
hadalyaqaan H. ah: qof cod kar ah.
hadar 1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.
haddaayey Goor dhoweyd.
haddee Sidaas darteed; haddaba.
<< < 683 684 685 686 687 688 689 690 691 692 693 > >>

 

Exit mobile version