hadli Ka h.: hadalsii.
hadlid eeg hadal².
hadlin eeg hadli.
hado 1. Geeri. 2. ld hadaayad.
hadoodil (1) 1. Balbalo. 2. Dedidda meel dusha sare laga dedo si har loogu yeelo. 3. ld hadoodilid.
hadoodil (2) Wax har u yeelid.
hadoodilan Wax dusha laga dedey si har loogu yeelo ahaansho. ld hadoodillan.
hadoodilid eeg hadoodil². ld hadoodil¹ (3).
hadoodillan ld hadoodilan.
hadoodillanaan ld hadoodilnaan.
hadoodillanaansho ld hadoodilnaan.
hadoodilnaan eeg hadoodilan. ld hadoodillanaan, hadoodillanaansho, hadoodilnaansho.
hadoodilnaansho ld hadoodilnaan.
hadoof Hadal aan waxba ka jirin.
hadrid eeg hadar.
hadur 1. War badan oo aan murti lahayn. 2. H. ah: qof hadal badan oo aan murti lahayn ku hadla.
haduuf ld huduf.
hadwad ld hadwasho.
hadwasho eeg hadwo. ld hadwad.
hadwo Dad, Xoolo wax kala aqoon meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo noqosho.
haf 1. Wax, wax kale ku qaldid. 2. Wax halmaamid.
haf (1) Cod lagu muujiyo hafidda.
haf (2) Cunto boobid.
hafad ld hafasho.
hafar (1) Masabididda wax been ah oo aan cid la siin lagu masabido. ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.
hafar (2) Qof wax aan la siin ku masabidid.
hafaran Qof la hafray noqosho.
hafarmid eeg hafaran.
hafaryo ld hafrid.
hafasho eeg hafo. ld hafad.
<< < 685 686 687 688 689 690 691 692 693 694 695 > >>