haldhansanaan eeg haldhansan. ld haldhansanaansho.
haldhansanaansho ld haldansanaan.
haldhansasho eeg haldhanso. ld haldhansad, haldhansi.
haldhansi ld haldhansasho.
haldhanso Badar haldhan kala bixid.
haldheji ld dhaji.
haldhurre 1. Haldhaa gooni daaq ah. 2. Cunug gorayo kali ku ah. 3. H. ah: miro sooc ah ama qof ama neef xoolo ah oo door ah.
haleel (1) ld haleelid.
haleel (2) 1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid.
haleela-rin Hal marka ay dhasho si dhaqso ah u rinta.
haleelid eeg haleel². ld haleel¹.
haleelo Geel markaa dhalay.
haleelsii Wax, wax kale la kulansiin. ld haleeshii.
haleelsiin eeg haleelsii. ld haleeshiin.
haleeshii ld haleelsii.
haleeshiin ld haleelsiin.
halgaad (1) 1. Wax sida ul, bur, qori ah oo gacanta lagu tuuro si wax loogu dhufto. 2. Tuuryo gacameed. 3. H. ah: ul weyn.
halgaad (2) Waran, ul iwm cid ku tuurid.
halgaadee Ul weyn wax la dhicid.
halgaadeyn eeg halgaadee.
halgaadid eeg halgaad².
halgame Madaxa herinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.
halgamid eeg halgan³.
halgan (1) Hawl ama wax kale oo qabashadooda loo dagaallamo ama loollan loo galo.
halgan (2) Herinta inta ugu toog badan marka hargaantiga laga reebo.
halgan (3) Wax u dagaalamid ama u loollamid.
halhaleel Si dhaqso ah; degdeg. ld hallahalla, hallihalli.
halhayn eeg halhee. ld halhays.
halhays 1. Erey ama weer qof caadaysto in uu hadalkiisa soo dhexgeliyo had iyo jeer; halqabsi. 2. ld halhayn.
halhee Mar kasta wax ama qof ka hadlid.
<< < 694 695 696 697 698 699 700 701 702 703 704 > >>