Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cashrin
saaxiib (3) La s.: cid xiriir gacaltooyo la yeelasho.
saaxiibad Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.
saaxiibid eeg saaxiib³.
saaxiibnimo Saaxiib ahaansho. ld saaxiibtinnimo.
saaxiibtinnimo ld saaxiibnimo.
saaxil Xeeb.
saaxir Nin sixirka yaqaan.
saaxirad Naag sixirka taqaan.
saaxirnimo Saaxir ahaansho.
saayaq Nin qalinka, dahabka iwm ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
saayid (1) S. ah: wax dheeraad ah. ld saa'id¹.
saayid (2) Wax kordhid. ld saa'id².
saayidcalayn eeg saayidcalee. ld saa'idcalayn.
saayidcalee Ka s.: cid ka gacan sarreyn. ld saa'idcalee.
saayidi Wax tiradooda kordhin. ld saa'idi.
saayidid eeg saayid². ld saa'idid.
saayidin eeg saayidi. ld saa'idin.
saayir (1) Dhaqaalayn; turaal gaar ah oo laysu galo.
saayir (2) Cid macaamil wanaagsan oo wax isdhaafsi leh la yeelasho. 2. La s.: cid xiriir wanaagsan la yeelasho.
saayiraad 1. Macaamil wanaagsan, wax isdhaafsi leh oo cid dhexmara. 2. ld saayirid.
saayirid eeg saayir². ld saayiraad.
saaykoolojiyadda (daaw.) Barasho cilmiyeed oo kusaabsan dhimirka (maan-ka) bani-adaamka iyo qaabka dabeecada dadka.
sab (1) 1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.
sab (2) Carruur, haween iwm wax ku raalli gelin.
sabaad Dhaashi udgoon oo timaha la marsado oo laga sameeyo dhacaan ka yimaad qanjirrada mukulaal sabaadda.
sabaal Raalligelinta nafley wax lagu raalligeliyo.
sabaali Wax sasabid.
sabaalin eeg sabaali.
sabaan Waqti; waa; jeer. ld samaan¹.
sabaayad Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>

 

Exit mobile version