degsiimo Meel la degganyahay. ld degmo (3).
degso 1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iwm samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho.
deji 1. Wax meel kore ka qaadid oo hoos keenid. 2. Badda dhexdeeda ku qarqin (doon iwm). 3. Qof kacsan xasilin. 4. Nafley meel degaan uga dhigid. 5. Sharci, xeer, iwm samayn. 6. Soo d.: badeeco dal soo gelin; soo waaridid. 7. Xisaabo wadartooda isugey
dejin eeg deji. ld dejis.
dejis ld dejin.
deked Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo.
deldel1 ld daldalid. deldel2 ld daldal². deldelaad ld daldalid.
deldelan ld daldalan.
deldelid ld daldalid.
deldelnaan ld daldalnaan.
deldelnaansho ld daldalnaan.
deleb Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.
deli Meel laga dhaco oo hoobad ah; dalow.
delidhac1 1. Jar ka dhac. 2. ld delidhacid. delidhac2 Ka dhicid meel deli ah. delidhicid eeg delidhac². ld delidhac¹ (2).
delleg Qof dhaandhaan ka dhigid.
dellegan Wax la dellegay ahaansho.
dellegid eeg delleg.
dellegnaan eeg dellegan. ld dellegnaansho.
dellegnaansho ld dellegnaan.
delo (bot.) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
delta (juqr.) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed.
deltooyd Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.
dembaab1 Dembi. ld dambaab¹, denbaab¹. dembaab2 Dambi falid. ld dambaab², denbaab². dembaabi Qof dembi gelin. ld dambaabi, dambaabsii, dambaaji, dembaabsii
dembaabid eeg dembaab². ld dambaabid, denbaabid.
page : 71 of 218
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 > >>