hamrasho eeg hamro.
hamro Cid waxtarkeeda u hagar bixid la'aan.
hamsa (nax.) Shibbane dhawaaqyada hadalka ka mid ah; waa aamus yar, wuxuuna dhashaa kolka xargaha codku si degdeg ah u xirmaan oo xiisadda dabaysha u joojiyaan, degdegna u furmaan; astaan-tiisu waa ('). ld hamse, hamso.
hamse ld hamsa.
hamso ld hamsa.
hamuu Digir duban oo marka la karinayo aan si fiican loo bislayn. ld hamuu'.
hamuu' ld hamuu.
hamuudo Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.
hamuuman Qof hammuun qaba ahaansho.
hamuumid eeg hamuun².
hamuumnaan eeg hamuuman. ld hammuumnaansho.
hamuumnaansho ld hamuumnaan.
hamuun (1) Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii.
hamuun (2) . 1. Wax aad u rabid. 2. Cunto aad u rabid.
hamuungorayo ld hamuungorgor.
hamuungorgor Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. ld hamuungorayo.
hamuuntir (1) Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.
hamuuntir (2) Qof cunto yar oo hamuun lagu bi'iyo siin.
hamuuntirad ld hamuuntirasho.
hamuuntirasho eeg hamuuntiro. ld hamuuntirad.
hamuuntirid eeg hamuuntir².
hamuuntiro Hamuun iska bi'in.
han Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
hanaayo Cadaawad, nacayb.
hanacun 1. Cunidda boolida. 2. (-no, mdh.) Qof boolida cuna.
hanad Nin karti iyo hufnaan dheeraad ah isku darsaday; diric.
hanano Danaano; hiilo.
hanaq Dhuunta meesheeda hoose oo godan; galaw; halaw.
hanaqaad (1) 1. H. ah: qof filka mas'uu-liyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. ld hanaqaadid.
hanaqaad (2) Qof fil uu mas'uuliyad ku hana karo gaari; tabargalid.
<< < 700 701 702 703 704 705 706 707 708 709 710 > >>