Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
golmaran  1. Dheddig xoolaad ama dad oo aan uurkiisa ilmo ku jirin, caruurna nuujineyna. 2. Oori ciddoodi jirtay oo faramaran kaga timid. 3. Nin aan hub sidan.
golmaranoobid  eeg golmaranow.
golmaranow  Golmaran noqosho.
golmoon  ld goommoon.
golmoonaan  ld goommoonaan.
golmoonaansho  ld gommoonaan.
golmud  1. Caano bur iyo biyo u kala miirmay. 2. Cudur idaha ku dhaca.
goloblayn  eeg goloblee.
goloblee  Dan la'aan u warwareegid.
golobuliin  (c.nafl.) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iwm. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.
gololo  1. Summadda xoolaha lagu dhigo mid ka mid ah. 2. Hadal si wanaagsan loo jeediyey. 3. Dhis qaab qaanso leh oo meel loo dhiso.
golongol1  1. Godasho nafley caloosheedu aad u godanto gaajo iwm darteed. 2. ld golongolid. golongol2  Nafley gaajo iwm darteed la godasho. golongolid  eeg golongol². ld golongol¹ (2).
golongolsan  Wax golongol hayo ahaansho (nafley).
golongolsanaan  eeg golongolsan. ld golongolsanaansho.
golongolsanaansho  ld golongol- sanaan.
golos  1. Nin dheer oo toosan. 2. G. ah: neef geel ah oo cadho korkiisa ku dhan tahay.
golqaniinyo  Qaniinyada gosha laga qaniino hal irmaan si loo liso.
golrod  Cudur ariga qoobabka ka gala oo marka arigu meel dhiiqo ah ama qoyan maro labada qoob dhexdoodu dillaacyo raafdillaac. ld gommod¹.
golroonaansho  eeg golroonow.
golroonow  Ka g.: cid libaysasho.
golxad  ld golxob.
golxo  Soo godnaanta qaarka sare in yar godanyahay.
golxob  Toorrey dheer godan oo lagu dagaallamo. ld golxad.
golyid  eeg goli.
gommod1  Cudur raafafka ariga ku dhaca; raafdillaac. ld golrod. gommod2  Cagta geela; cagaf. gommod3  Cudur gommodka ka qaadid. gommodid  eeg gommod³.
page : 74 of 102
<< < 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 > >>

 

Exit mobile version