golxo
(m.dh)Soo godnaanta qaarka sare in yar godanyahay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh golxo ↴
bacaad-qaab-bileed [m.l]
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
golxad [m.l]
ld golxob.
golxob [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-bo, m.l)
Toorrey dheer godan oo lagu dagaallamo. ld golxad.
qallooc [m.l]
(juqr.) Golxo laga helo haloodka webiga, oo si isdabjoog ah ugu leex leexanaysa dhinac ilaa dhinac, iyada oo samaynaysa laabyo waaweyn markuu webigu ku socdo oo uu qoynayo dhul siman.
seeme [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Billaawe weyn oo lagu dagaallamo; golxob.