Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
hoosaasi  1. Wax hoos u yeelid. 2. Cid u garab-goroyeyn.
hoosaasin  eeg hoosaasi.
hoosaharre  Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badan yihiin; hooskuhar. ld hooskuhar.
hoosayn  eeg hoosee.
hoosaysii  Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.
hoosaysiin  eeg hoosaysii.
hoosdadab  H. ah: caws, raro iwm geed ama aqal hoos looga duggaaliyo.
hoosdaloolo  Iin wax yeeshaan.
hoosdhaw1  1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. ld hoosdhebid. hoosdhaw2  Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid. hoosdhebid  eeg hoosdhaw². ld hoosdhaw¹.
hoosdhig1  ld hoosdhigid. hoosdhig2  Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid. hoosdhigid  eeg hoosdhig². ld hoosdhig¹. hoose s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
hoosee  Wax meel hoose jirid.
hooseeye  Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
hooseeye ay wadaagaan  (xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.
hoosgal  Cid maganteeda gelid.
hoosgalla'  ld hooskalla'.
hoosgashi  Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
hoosgeli  Neef riyo ah oo la lisayo madaxiisa bowdyaha dhexdooda gelin.
hoosgelid  eeg hoosgal.
hoosgelin  eeg hoosgeli.
hoosgunti  Maro raggu hoos ka xirto.
hoosh1  Boobidda wax la boobo. hoosh2  Cid wax boobid. hooshid  eeg hoosh².
hoosi  Wax hoos u yeelid.
hoosid  eeg hoos³.
hoosiis  Hooska ay daruuruhu bixiyaan.
page : 75 of 93
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>

 

Exit mobile version